Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaashaandhiga DKMG Barre Aaden Shire “Hiiraale” ayaa ka hadlay xaaladaha cakiran ee ka jira gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, isagoona eedeyn dusha uga tuuray Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Shiikh.
Barre Hiiraale ayaa waxaa uu sheegay in xasuuq ba’an uu ka socdo gobollada Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo, oo ay geysanayaan kuwa gacanta ku haya, isagoona eeda dilalka iyo barakicinta ka jirta Jubbooyinka dusha uga tuuray dowlada Soomaaliya, oo ay ugu horeeyaan Xasan Shiikh iyo wasiiradii isaga hishiiska aan hirgelin la soo galay.
“Gobollada Jubooyinka waxa ka socda ee ah xasuuq, dilal bareer ah, barakicin, dhamaan aduunyadda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ogyihiin. Waxaana geysanaya qolada meeshaasi gacanta ku heysa. Waxaana cadeynayaa in mas’uuliyadda wixii halkaasi ka socda ay iska leeyihiin dowlada Soomaaliya min wasiiro ilaa Madaxweyne Xasan Shiikh,” ayuu yiri Hiiraale.
“Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ali, waxaan la qaadanay kulan, haddii aanu nahay beesha SADE. Waxaana u gudbinay dhibta halkaasi ka jirta inuu wax ka qabto, oo ay xukuumadii hore iyo Xasan Shiikh-ba ku fashilmeen. Isagana waxaa uu inoo ballan qaaday inuu wixii awoodiisa ah gelin doono wax ka qabashada dhibaatada ka jirta gobolladaasi, taasi oo aan ku dhiirigelinay” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Hiiraale.
Halkan hoose ka dhageyso Barre Hiiraale
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

