Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Habargidir oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa si xoogan uga horyimid xukunkii dilka ahaa ee toddobaadkii hore, ay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ku riday ninkii askariga ahaa, ee loo haystay dilka Wasiirkii Hawlaha Guud, Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow, ayaa sheegay in Dable Axmed C/laahi Cabdi (Caydiid) uu si bareer ah u dilay marxuum Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.
Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Habargidir oo ku kulmay Magaalada Muqdisho, ayaa cadaalad-darro ku tilmaamay xukunka ay Maxkamaddu riday, isla-markaana uu dilku ahaa mid aan ku tallagal ahayn.
Waxay kaloo Odayaasha Dhaqanku ka cabanayan in Madaxda Dowladda ay is hortaag ku sameeyen inay la kulmaan qoyska iyo ehelada Cabaas Siraaji, si ay uga wada hadlaan dilka dhacay.
Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo kulankaasi ka hadlayay, ayaa Madaxda Dowladda ku eedeeyay inay diideen in labada qoys la isku madax bannaaneeyo.
Odayaasha oo diidmo xoogan ka keenay in kiiskaasi ay qaaddo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa dalbanaya in xukunkaasi la waafajiyo Shareecada Islaamka, isla-markaana ay ku qanci doonaan in ninka askariga ahi la toogto, haddii dilkaasi ay Shareecada cadayso inuu bareer ahaa.