Sawiro: Maamulka gobolka Banaadir oo furay shir looga hadlayo hiigsiga caasimada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho  ka furmay shir loogu magacdaray “Ololaha Aragti Wadaaga Hiigsiga Caasimada” kaas oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed,Wsiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa, Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, Wasiir Cadaaladda, Wasiirka Qorsheynta, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya  oo ay kamid ahaayeen C/laahi Goodax Barre, Daahir Amiin Jeesow iyo Fowsiyo Xaaji Aadan.

Kulankaan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu yahay sidii shacabka Muqdisho ay uga qeyb noqon lahaayeen maamulka Gobolka Banaadir isla markaasna looga qeyb gelin lahaa talada hoggaanka.

Ugu Horeyn waxaa kulanka ka hadlay xogyahaya guud ee Maamulka Gobobolka Banaadir taas oo sharaxaad buuxda ka bixisay ujeedka madashaan iyo waxyaabaha fikirka ay kasoo dhiiban karaan shacabka Muqdisho .

Waxay sheegtay inay shacabka fikrado kasoo dhiiban karaan qeybaha kala ah:

  • Siyaasadda
  • Dhaqaalaha
  • Horumarka
  • Iyo Adeegga Bulshada

Ujeedka shirkaan ayey sidoo kale ku sheegtay inuu yahay:

  • Inay kasoo aragti bixiyaan Maamulka
  • Ka dhabeynta qorshaha dowladda ee awood siinta shacabka
  • Abuuridda hab wada shaqeynta ka dhaxeyso madaxda iyo Shacabka
  • Ka talo bixinta Maamulka Gobolka

Intaas ka badan waxaa khudbado muhiim ah halkaas kasoo jeediyey Xildhibaabo kala duwan oo si weyn usoo dhaweeyey kulamada noocaan oo kale ah, waxayna u mahad celiyeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, iyagoo dhammaantood ugu baaqay inuu guddoomiyaha meel kusoo ogaado maqaamka Muqdisho.

Sidoo kale waxaa halkaas khudbado ka jeediyey wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa oo dhammaantood si weyn usoo dhaweeyey howshaan culus oo uu Maamulka Gobolka Banaadir daah furay Maanta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa tilmaamay inay wasaaradda Arrimaha Gudaha si rasmi ah u furtay wadahadalka ku aadan sida laga yeelayo Maqaamka Caasimadda Muqdisho, wuxuuna shacabka Muqdisho ugu baaqay inay fikirkooda kusoo bandhigaan barnaamijkaan uu maanta daah furay Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna  shaaciyey in natiijada kasoo baxdo loo gudbin doono Baarlamaanka Soomaaliya si Maqaamka Muqdisho looga qaato go’aan dastuuri ah.

Ugu Dambeyntii waxaa hadalka qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo ugu horreyn dhammaan kasoo qeyb galayaasha kulankaan ugu mahadceliyey sida wanaagsan oo ay uga soo qeyb galeyn wuxuuna si gacmo furan ugu soo dhaweeyey xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

Guddoomiye Thaabit ayaa ka dhawaajiyey in ujeedka shirkaan maanta furmay uu yahay sidii Shacabka Muqdisho dib loogu soo celin lahaa awoodda maamulka iyo ka qeyb galka habsami u socodka shaqada Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay inay shacabka Muqdisho u fureen inay fikradooda kasoo dhiibtan dhinac kasta oo ku saabsan siyaasadda, dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Caafimaadka iyo wixii lamid ah.

Wuxuu Guddoomiye sidoo kale sheegay inay shacabka u diraayeen foomam ay ku qoran yihiin Su’aalo iyo talo bixin loo baahan yahay inay shacabka ku dhiibtaan fikirkooda iyo aragta ay ka qabaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Maqaamka Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa xusay inay Degmo degmo u wareysan doonaan shacabka Muqdisho isla markaasna natiijada kasoo baxdo xog wareysigaan laga dhigo doono Cilmi Baaris rasmi ah oo loo gudbin doono labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Gabagabadii kulankaan guddoomiyaha ayaa shacabka Muqdisho si sharaf leh uga codsaday inay dhammaantood si wanaagsan uga qeyb qaataan mashruucaan loogu talagalay in looga wada hadlo geedi socodka Caasimadda Muqdisho.