Dhageyso: Beelaha HAWIYE oo go’aan adag ka qaatay ficilkii DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Hawiye ayaa shalay kullan deg deg oo xasaasi ah ku yeelatay magaalada Muqdisho, kadib markii dowladda Soomaaliya ay aqoonsatay maamul la sheegay inuu saddex gobol ka kooban yahay oo ah Bay, Bakool iyo Sh/Hoose.

Kullanka waxaa ka qeyb galay Odayaasha, siyaasiyiinta, xildhibaannada iyo wax-garadka Hawiye. Xubnihii joogay kullanka waxaa ka mid ahaa Cumar Finish, Cabdulqaadir Cali Cumar, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Maxamed Xasan Xaad iyo kuwa kale.

Gaba gabadii kulankaan, ayaa waxaa laga soo saaray baaq ay ku wada mideysan yihiin dhinacyadii kulanka ka qaybgashay, waxaana Warbaahinta u akhriyay Gudoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Gudoomiyaha wuxuu marka hore uu amray in Wasiirada, Xildhibaanada iyo Saraakiisha Ciidamada ee matala Beelaha Hawiye, inaanay ka hawlgalin Xafiisyadooda, isagoona ku sheegay go’aan ay gaareen.

Dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Beelaha Hawiye, ayaa wuxuu ugu yeeray inay isugu taggaan Xarunta Maamulka Shabelle State ee Degmada Afgooye, halkaasoo uu sheegay inay ka soo saari doonaan go’aan rasmi ah.

Dowladda Somaliya, ayaa wuxuu ku eedeeyay inay dulmisay Beelaha Hawiye, isla-markaana ay dulqaateen inta uu aadanuhu dulqaadan karo, laakiin uu dulqaadkii ka sii dhamaanaayo.

Beesha Hawiye waxa ay si aad ah u cambaareysay tallaabada dowladda Soomaaliya, oo ay ku qeexeen gumeysi cusub oo beesha caalamka ay dagaal uga dhex abuureyso beelaha Soomaaliyeed.

Waxa ay wacad ku mareen in beesha Hawiye ay u dagaalami doonto, ayna difaacan doonto deeganadeeda.

Ugu dambeen Nabadoon Xaad, ayaa waxa uu bulshada caalamka uu ku eedeeyay inaanay doonayn maslaxda dalka Somaliya, ujeedada markaba horeba loo keenay Nidaamka Federalism-ka, ayuu ku sheegay mid uun loogala dan lahaa iska horimaad.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysi la xiriira kullanka kadibna u gudub codka Nabaddoon Xaad

Halkan ka dhageyso Nabaddoon Xaad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com