“Aan aragno haddii Afey uu qasbi karo beelaha HAWIYE” Waxaa sidaas yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko), ayaa wuxuu weerar afka ah uu ku qaaday Wakiilka Urur Goboleedka Igad ee Somaliya Amb. Maxamed Cabdi Affey, oo u muuqda mid beel gaar ah matalaya.

Maxamed Cabdi Affey, ayaa wuxuu Isniintii uu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono, cidii ka hor timaada heshiiskii ay Villa Somalia ku kala saxiixdeen Maamulada 6-da iyo 3-da Gobol.

Cali Maxamuud Faarax, ayaa wuxuu sheegay in ay iyagu si weyn kaga soo horjeedaan heshiiskaasi, oo dhigaaya in Maamul Goboleed loogu soo sameeyo Gobolada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Cali Seeko, ayaa waxa uu tilmaamay inaanay Beelaha Hawiye marnaba aqbali doonin, in Gobolka Shabeellaha Hoose lagu biiriyo Gobolada Baay iyo Bakool, maadaama sida uu sheegay ay iyagu ku badan yihiin Gobolkaasi.

Sidoo kale waxa uu si kulul uu kaga hadlay digniinta ka soo yeertay Maxamed Cabdi Affey, iyadoo uu ku goodiyay inay kala lee yihiin wixii ay kala helaan, haddii ay ka hor yimaadeen heshiiskaan.

“Affey awood aanu lahayn ayuu mahdiyay, wixii aan kala helno ayaan lee nahay. Affey waa nin Kenyan ah oo aan waxba ka gelin arrimaha Somaliya, awooda uu ku faanaayo ee Igad waxaan u sheegayaa, in Igad ay sameysay Somaliya.” ayuu yiri Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax.

Wuxuu kaloo uu weerar afka ah uu ku qaaday Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, haddii ay la yimaadeen heshiis uu ku sheegay in lagu dulminaayo Beelaha Hawiye.

“Xasan Sheekh iyo Xiirane waxaa laga rabaa meeshii ay ku dhaqangelin lahaayeen heshiiskaan, Dowladda waxay markasta ku tumataa Xuquuqdii Hawiye. Adeer waan diidnay waxaad wadaan.” ayuu sii raaciyay Cali Seeko, xilli uu la hadlaayay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com