Farmaajo oo Muqdisho u soo socda & xisbiga Tayo oo shirweyne qabanaya

Wanshinton DC (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dabayaaqada sannadkan immaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in dhammaan faracyada xisbiga Tayo ay wadaan qorshe lagu doonayo in shirweyne ballaaran lagu qabto magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay oo kale in shirkaas ay ka soo qeybgali doonaan dhammaan dadka ku xisbiga Tayo oo ku kala firirsan dhammaan waddamada caalamka gaar ahaan Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka.

Mar la weydiiyay wax yaabaha shirkaas looga hadli doono, wuxuu tilmaamay in shirkaas uu noqon doono mid la doonayo siddii xisbiga loo ballaarin lahaa oo xittaa faracyo uu ugu sameesan lahaa gobalada dalka oo dhan.

Wuxuu sheegay oo kale in ay doonayaan siddii ay qeyb uga qaadan lahaayeen nabadda iyo horrumarka dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Farmajo ayaa ka hadlay dagaallada soo lab-laabtay ee ka dhacaya qeybo ka mid ah gobalada dalka.

“Waxaanugu baaqayaa in ay joojiyaan dagaalka oo wax kasta ay ku xaliyaan wadahadal iyo Isfahan, waxaan u shegayaa dadka walaalaha in ay is fahan iyo wadahadal ay ku dhammeenayaan”

ayuu yiri Farmaajo

Wuxuu sheegay in dhammaan maleeshiyaadka dagaallamaya uu ugu baaqayo siddii loo joojin lahaa dagaalladaas maadama muddo badan lagu soo jiray dagaallaadaas.

Farmaajo ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay joojiyaan dagaallaada oo ay miiska wadahadalka yimaadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com