DHAGEYSO: Beesha Hawiye oo shaaca ka qaaday laba maamul goboleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaa ka dhacay kullan taariikhi ah, oo ay isugu yimaadeen wax-garad kasoo jeeda beelaha Hawiye, oo qaatay go’aan taariikhi ah.

Kullanka oo ay ka qeyb galeen ku dhowaad 400 oo qof, ayaa waxaa lagu go’aamiyey in beelaha Hawiye ay sameysteen maamul goboleedyo laga sameynayo deegaanada ay ku badan yihiin Hawiyaha.

Waxaa kullanka lagaga dhowaaqay guddi ka kooban 11 qof, oo howshan soo agaasima.

Maamul goboleedyada ay dhisanayaan Hawiyaha, ayaa waxa ay kasoo billaaban doonaaan Gaalkacyo, waxaana ay ku ekaan doonaan magaalada Marka, waxaana loo qeybin doonaa laba maamul goboleed.

Haddaba dadkii ka qeyb galay kullanka, ayaa faah-faahiyey qaabka gobollada loogu qeybin doono maamul goboleedyada.

Halkan ka dhageysto.

hawiye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com