Cabdi Weli Gaas oo la caleemo saaray

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo dhammaaday qaybtii koowaad ee xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Xafladda oo ka dhacday xarunta PPRC ee magaalada Garoowe, waxaa ka qaybgalay wafuud caalami ah oo ka kala socoda Qaramada Midoobay, Maraykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, wakiilo ka socday waddamada Turkiga, Qadar, Kuwait, Norwey, sidoo kale waxaa xafladda ku sugnaa wafdi ka socda dowladda dhexe iyo madax ka soocota maamulada ka dhisan dalka sidda, Galmudug, Ximin & Xeeb, Jubba iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiinta goobta xafladda ka hadlay, waxaa ka mid ahaa wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nichalas Key.

Wuxuu aad u amaanay qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday Garoowe 8-dii bishan, wuxuu kaloo amaanay qaabka uu xilka u rajeeyay madaxweyne Faroole.

Danjire Key ayaa ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay sii joogteen doonto taageerada ay siineyso maamulka Puntand.

IMG_0010Cabdiraxmaan Faroole muxuu sheegay?

Waxaa hadalka la wareegay madaxweynihii horre ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu ugu horreyn soo qaatay waxyaabaha uu qabtay maamulkiisa inta uu xilka hayay muddadii shanto ee la soo dhaafay, isagoo soo bandhigay mashaariic ay ka hirgaliyeen magaalada Garoowe iyo kuwa u harsanaa.

Mar uu ka hadlay khilaafla dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, wuxu tilmaamay in wax khilaaf ah aysan jirin balse kaliye la isku qabsaday siddii loo wada ilaalin lahaa dastuurka, wuxuuna ku celceliyay midnimada Soomaaliya in ay lama huraan tahay.

Ugu dambeyn wuxuu la dardaarmay ciidamada ammaanka iyo shacabka reer Puntland, isagoona tilmaamay in la shaqeeyaan maamulka cusub ee xafiiska la wareegay.

Muxuu Cadde Muuse sheegay? 

Waxaa kaloo goobta ka hadlay Gen Maxamed Xirsi Cadde Muuse oo ahaa madaxweynihii ka horreeyay Faroole, wuxuu aad u amaanay maamulkii horre ee uu hoggaaminaayay Faroole, wuxuu maamulka cusub kula dardaarmay siddii loo fulin lahaa wax yaabaha horrumarka ee uu sameeyay maamulkii horre oo ay ka mid tahay shidaal baarista laga waday deegannada Puntland.

Waxaa kaloo Gen: Cadde Muuse dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso faragallinta ay ku sameeneyso arrimaha Puntland iyo in mashaariicda deegannada Puntland loogu talagalay la keeno.

Nuxurka Khudbada madaxweynaha cusubCabdiweli Gaas

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu horreyn u mahad celiyay dhammaan wafuud caalamiga ee ka soo qaybgalay xafladda isagoona kula hadlay luuqda Ingiiiska.

Mar uu ka hadlay wax yaabaha uu qaban doono maamulkiisa shanta sanno ee soo socota, in uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka, xoojinta xiriirka ka dhexeeya maamulkiisa iyo dowladda dhexe  iyo in uu abuuro mashaariic ay ka faa’ideestaan dadka reer Puntland.

Intaas ayaa lagu soo gabagabeeyay qaybtii koowaad ee xafladda caleema saarka madaxweynaha cuusb ee Puntland, waxaana caawa la filayaa in ay xaflad kale oo weyn ay ka dhacdo xarunta madaxtooyada Garoowe.

Intii xafladda socotay waxaa dadka maadadaalinaayay fannaaniin waaweyn oo uu ku jirro Cali Dhaanto oo ka yimid magaalada Jigjigo ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com