Digniin loo diray burcad dadka dhibay

Afgooye (Caasimada Online) Maamulka Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa digniin culus u diray kooxaha burcadka ee jidgooyooyinka ay u yaallaaan degmada.

Mahadi Xasan oo ah guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka maamulka Afgooye ayaa wariyaasha u sheegay in cid kasta oo la arko iyagoona dhinaga jidgooyo in goobta lagu toogan doono sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale inta in degmada laga saaray ciidamda hubeysan ee dadka dhaca, isagoonta intaas ku daray in ciidamo nabad sugid iyo boolis.

“Xaallada ammaanka magaalada Afgooye waa mid wanaagsan, in kastoo ay jiraan kooxo burcad ah oo gaadidka dad weynaha, kuwaasna goobta lagu arko ayaa lagu toogan doonaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka degmada Afgooye.

Ugu dambeyn waxa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hey’addaha ammaanka si loo adkeeyo ammaanka degmada Afgooye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com