Baabuur la’aan ka jirta inta Afgooye & magaalada Muqdisho u dhexeysa

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa gabi ahaan maanta oo Sabti ahaan  shaqeyneenin gaadidka dadweyne ee adeegsada inta u dhexeysa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye, kaddib shaqo joojin ay ku dhaqaaqeyn darwalada gaadidleyda.

Arrintan ayaa ka dambeesay markii ay ku soo bateen wadaddaas kooxo burcad ah ay oo dhac u geesta rakaabka la socda gaadidka isla markaana lacago baad ah ka qaata darwalada wada gaadidka dadweynaha.

Guddoomiyaha guddiga gaadiidleyda gobolka Banaadir, Daahir Maxamuud Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shaqo joojinta ay ku dhawaaqeen gaadidlayda ay la xiriirto isbaarooyinka yaalla wadaddaas.

Wuxuu dowladda iyo saraakiisha ciidamada ugu baaqay in ay wax ka qabtaan arrintaas haddii kale gabi ahaan ay joojin doonaan gaadidka u safra degmada Afgooye.

Wadadda u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho ayaa ah mid muhiim ah,waxaa adeegsada gaadidka khudaarta iyo caanaha keenay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono kooxaha isbaarooyinka ay u yaallaan goballada dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com