Dibad-bixii ugu ballaarnaa oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye

Muqdisho (Caasimada Online) Darwalada iyo Milkiilayaasha gaadidka dadweynaha ee ka shaqeeya inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa maanta oo Sabti dibad bax ballaaran ka dhigay Isgoyska Ex-Control ee Afgooye.

Dibadbax ayey uga cabanayeen isbaarooyin la soo buux dhaafiyay wadadda xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, iyagoona shaaciyay in ay ku dhaqaaqeen shaqo-joojin ilaa inta madaxda dowladda ay wax ka qabaneyso ragga ku la bisan dharka ciidamada ee dhaca u geesta dadka la socda gaadidka halkaas adeegsada.

Qaar ka mid ah darwalada oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in wadadda xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye ay taallo 15-isbaaro taasoo lacago baad looga qaado isla markaana dhibaatooyin ay u geestaan rag xiran dharka ciidamada.

“Waxaan maanta ku dhaqaaqnay shaqo joojin guud, waayo isbaarooyin fara badan ayaa la soo dhigay wadadda xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye, rag ku labisan dharka ciidamada ayaa tacadiyo noo geesta” ayuu yiri darawal sheegay in dhowr jeer la jirdilay.

Wixii daruuriyaad ah oo Muqdisho uga imaanayay Afgooye waa ay joogsadeen, sidoo kale dadkii ka imaanayay Afgooye iyo deegannada ku sugan maanta ma aysan imaan caasimada.

Waxaa kaloo ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ka mid yihiin “Ma dooneyno darawal dille iyo Kirishbooy dile”

Waa dibad bixii ugu ballaarnaa oo ay sameeyaan darawalada iyo milkiilayaasha gaadidka ee ka dhex shaqeeya inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo maanta oo wax gaadid ah aysan adeegsan halkaas.

Ilaa hadda ma jirto cid ka dashay dibadbaxa ay maanta sameeyeen darawalada iyo mulkiilayaasha  gaadidka ka dhex shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com