27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Dhageyso: Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay go’aanka maanta ka soo baxay Golaha Wasiirada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka jawaabay go’aanka Gollaha Wasiirada ee lagu sheegay in heshiis la saxiixay 2-dii May 2016 oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Ethiopia ku heshiiyeen in ay si wada jir ah isaga kaashadaan la dagaallanka nabad-diidka iyo argagixisada si loo xaqiijiyo sugidda amniga iyo xasilloonida labada dal.

Isagoo magaalada Ankara ku sugan ayuu khadka Taleefanka ugu waramay Laanta Af Soomaaliga ee VOA,wuxuuna sheegay in wax lala yaabo ay tahay warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya,isagoo ku tilmaamay qalad weyn oo ay Dowladda gashay.

“Heshiiska la gaaray 2dii bisha May 2016 waxa uu ahaa heshiis quseeyay xasilinta colaad u dhexeysay labo qabiil oo labada dhinac kala degan,waxana aan ku metelayay heshiiskaas dowlad goboleedka Galmudug ee ma ahayn heshiis aan wakiil ugaga ahaa dowlada federalka Soomaaliya.”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa cadeeyay inuusan jirin heshiis looga hadlayo arimaha ONLF uu la galay Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,balse uu jiro heshiis ku aadan sidii xal looga gaari lahaa labo beel oo ku dagaalamay xadka Gobolka Galgaduud uu kala wadaago Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“Heshiiska meel ay uga xusan tahay ururka ONLF inuu yahay argagaxiso ma jirto ,waxaana aan ku adkeysanay in ururkaas aan u aqoon urur argagaxiso.”ayuu sii raaciyay Guuleed,

Mar wax laga weydiiyay in heshiiska ay gaareen Galmudug iyo dowlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya inuu ku jirey mid la isku celin karo dadka dambiyada gala ayuu yiri;

“Heshiiska ma ahayn mid qarsoon warbaahintana waa loo soo bandhigay,haba yaraatee ma jiro meel uu uga xusan yahay in dambiilayaal aan is dhaafsano ama dambiilayaal aan isweydaarsano.”ayuu yiri Guuleed.

Go’aanka dawladda waxaa sidoo kale lagu sheegay in Heshiiskan ay Dowladda Federaalka u wada saxiixay Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) iyo Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Cabdikarin

 

- Advertisement -

Read more

Local News