Dhageyso: Xildhibaan Mahad Salaad oo jawaab ka bixiyey go’aankii Golaha Wasiirada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo qeyb ka ah Mas’uuliyiinta lala xiriiriyay Heshiis horay loola galay Dowladda Itoobiya ayaa sheegay ineysan waxba ka jirin Heshiiska lagu sheegay inuu la galay Itoobiya oo ku aadan maxaabiis isweydaarsiga.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwo ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu Boolis ay ka wada hadleen amniga deegaanada lagu dagaalamay iyo xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya.

Wuxuu meesha ka saaray Mahad Salaad iney jiraan Heshiis kale oo quseeya arimaha ONLF ay la gaareen Itoobiya marka laga reebo heshiis beelo dagaalamay oo Jig jiga lagu gaaray.

Halkaan ka Akhriso Qoraalka Xukuumadda uu ka jawaabay Mahad Salaad’ Golaha waxaa la horkeenay nuqulka Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Ethiopia ee 07dii Juun 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Mahad Salaad