Jowhar (Caasimada Online)- Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka cabanaya canshuur lagu soo rogay guryaha ku yaala magaalada Jowhar.
Waa degmadii ugu horeysay oo ay ka taliso dowlada Federaalka Soomaaliya oo lagu soo rogo canshuur laga qaadayo guryaha magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana intaasi dheer inay jireen balanqaadyo loo sameeyay gudoomiyaasha xaafadaha magaalada Jowhar oo ku aadan in haddii ay dhaqaalo badan keenaan qeyb ay ku leeyihiin.
Nabadoon Muuse Sheikh Cismaan oo kamid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa arimahaasi aan ka wareysanay.
Waxgaradka magaalada ayaa sheegay in dadka ku dhaqan magaalada aysan awood buuxda u laheyn maadaama ay kasoo kabanayaan Fatahaadihi ku dhiftay magaalada iney bixiyaan lacagtaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]