Dhageyso: CC Shakuur oo ka digay qorshe halis ku ah dalka oo socda iyo damaca Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka fedaeralka Somaaliya ayaa kasoo horjeestay sida loo wado wax ka bedelka, dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka, wuxuuna sharaxay qodobada uu saluugay iyo waxa socda.

Maanta Muqdisho waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerayey qorshaha. Xasan Sheekh ee wax ka bedelka iyo dhameytirka dastuurka, balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamey banaanbaxyadaas kuwa lasoo aabaabulay oo u jeedo gaar ah laga leeyahay.

XIldhibaan Cabdiraxmaan oo wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in qodobadii ugu muhiimsanaa ee dastuurka la wada bedelay, iyadoo laga fikiraayo sidii awooda dhan gacanta loogu gelin lahaa madaxweynaha, iyadoo meesha laga saarayo ra’iisul wasaaraha iyo awooda baarlamaanka.

“Anaga waxaan ogeyn dastuur la qabyo tiraayo, laakiin waxa hadda socda waa dastuur bedel, sagaal qodob ayaa jirta oo la rabay in laga wadahadlo, mana ogola dowladda hadda jirta inay cid kale kala hadasho arrimaha dastuurka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan oo shaaciyey qaar ka mid ah qodobada la rabay in laga wada xaajoodo ayaa yiri, “Waxay aheyd in laga tashado sida loo qeybinaayo awoodaha, kheyraadka dhulka ku jira iyo dakhliga, sida canshuuraha, xoogooda qodobada la rabay in laga wadatashado kuwaas ayey ahaayeen, waxaana la rabay inay ka wada fariistaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.”

Wuxuu sheegay in hadda qorshaha socda uu yahay bedel lagu sameynayo gabi ahaanba nuxurkii dastuurka, “Anagu waxaan ku doodeynaa, hadii la sameynayo dastuur cusub in qaab kale looga wadahadlo ayey u baahan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Qorshaha hadda socda waa in xukuumadda meesha laga saaro, baarlamaanka awoodiisa la dhimo, awoodaha dalka oo dhana gacanta madaxweynaha la isugu geeyo, dastuurka dhan in laga guuro ayey arrintaan u baahan tahay, taasna waxaa ka horeysa in laga heshiiyo.”

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu hor boodayo qorshaha dastuur bedelka ah ee socda, halkii uu ku magacownaa ilaaliyaha dastuurka, taasi oo sababtay in aysan kala hadlin madaxweynaha arrimahaas, maadaama uu yahay ninka hor boodaya.

Dhinaca kale wuxuu weeraray maamulka gobolka Banaadir isagoo yiri, “Maanta waxay aheyd Ramadaan, dad masaakiin ah ayaa lasoo tubay bartamaha magaalada, xilki qorax ah, maamulka gobolka ayaa hor kacayey oo taageersan waxa socda, laakiin taas bedelkeeda waxaa la rabay inay u doodaan qodobka qeexaya xuquuqda shacabka magaalada Muqdisho oo dastuurkaan la sameynayo meel gadaal la iska dhigay, halka markii hore uu ku jiray qodobada ugu horeeya.”

Hoos ka dhageyso wareysiga