Xog: Saamileyda 9-ka Dollar ee garoonka Muqdisho oo wada qorshe cusub oo yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) –Siyaasiyiinta shirkada ku ah mashruuca 9-ka doolar ee la dulsaaray shacabka ka dhoofaya ama ka soo dagaya garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa qorsheynaya in ay maareeye cusub u magacaabaan Hay’adda Duulista Rayidka (Civil Aviation), kadib markii garab lagu socodsii karo qorshahaan ay ka waayeen Maareeyaha hey’adda Axmed Macalin Xasan.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Fardowso Cismaan oo kaashaneysa xulufadeeda xafiiska ra’iisul Wasaaraha ayaa dooneysa inay Golaha Wasiirrada u gudbiso Mustaf Axmed Maxamuud oo ah shaqaale hoose oo ka tirsan Hay’adda Duulista, sida aan xogta ku helnay.

Mustaf oo ay isku saami-qeybsi qabiileed yihiin Maareeye Axmed Macallin ayey wasiir Fardowso dooneysaa in loo magacaabo maareeyaha hey’adda, ninkaan ayaa muddo ku noolaa dalalka UK iyo Holland, wuxuuna la shaqeyn jiray shirkadaha taksiyada.

Sidoo kale Mustaf waxay isku saami-beeleed yihiin Cabdul Maxamed Faarax (Makaraan) oo ah ninka maamula shirkadda Hornlink oo ay aasaaseen madaxda sare ee Wasaaradda Gaadiidka oo wadata qorshahaan 9-ka doollar ah ee socon waayey.

Shirkadda Hornlink oo xogteeda aan baarnay waxaan ogaanay in loogu talo galay inay howsha maamusho, una qeybiso saamileyda lacagta 9-ka doolar ah.

Ujeeddada ugu weyn ee loo wato Mustaf waa inuu qaab xoog ah ku hirgeliyo mashruuca $9-ka ah, wasiir Fardowso oo aad u dooneysa in qorshahaan uu hirgalo ayaa ninkaas u aragta qof riixi kara mashruucaan ka soco waayey shirkadaha diyaaradaha dalka.

Wasiirka Gaadiidka ayaa marar badan isku dayday inay shirkad gaar ah ku wareejiso mashruuca sameynta taargada iyo laysinka darawalnimada, balse inta badan ma hirgalaan qorshayaashaas oo waxaa ka saameyn badan xubnaha ka hoos shaqeeya oo mar kasta fashiliya mashruucyada aan u adeegeyn danaha shacabka.

Intii aan wadnay baaritaanka xogahaan waxaan ogaanay in wasaaradaas ay lacag $0.5 ku soo rogtay cargo-ga dalka gudahiisa ah.

Mashruucaasna waxaa wadatay shirkad ka shaqeysa shidaalka garoonka, balse dhibaatada ugu weyn ee jirta waa in waxaas oo dhan oo musuq ah wuxuu Xamza Cabdi Barre ka indha qarsanayo.

Xogo hoose oo Caasimada Online ay heshay waxay sheegayaan in Wasiirka Gaadiidka Fardowso Cismaan Cige ay ganacsi-wadaag yihiin madaxda ugu sareysa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo sidoo kalena xiriir qaraabo xididnimo la leh mid ka mid xildhibaanada ugu dhow Xamse Cabdi Barre.