Xamza oo Muqdisho kula kulmay ergay ay soo dirtay dowladda Shiinaha + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Oline) –  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta xarunta Villa Soomaaliya ku qaabilay Ergey sare oo ay soo dirtay dowladda Shiinaha, kaas oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Xamza ayaa si gaar ah xafiiskiisa ugu qaabilay Danjire Xue Bing oo Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo Jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal.

Ugu horreyn Ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya, taas oo isugu jirto taageero iyo caawin intaba

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa xusay in guulaha waawayn ee ay Soomaaliya xaqiijisay muddaddi la soo dhaafay, haddana loo diyaar garoobayo isbeddel mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshadaba wax wayn ka bedeli doona.

Dhankiisa Danjire Bing oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay Soomaaliya mar walba garab taagan yihiin, haddana sii xoojin doonaan taageeradooda.

Kulankan ka qabsoomay xarunta dalka looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa googjoog ahaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya iyo wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad.

Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee taageerada siiyo Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah uga qayb qaataa dib u dhiska dalka iyo arrimaha bani’aadanimada ee ka jira Soomaaliya.