Golaha Ammaanka ee QM oo qaraar cusub kasoo saaray dagaalka ka socda GAZA

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel-mariyey qaraar cusub oo dalbanaya xabbad-joojin degdeg ah oo ka hirgasha marinka Qaza.

Xabad-joojintan ayaa socon doonta hadey hirgasho inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadan, taasi oo haatan maraysa kala badh.

Qaraarkan ayaa sidoo kale dalbanaya in si deg-deg ah oo bilaa shuruud ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha, lana qaado dhammaan caqabadaha la hordhigay gargaarka bini’aadanimo iyo in bed-qabka dadka rayidka ah ee Qaza.

Qaraarkan ayay soo diyaariyeen 10-ka xubnood ee meertada ah ee ku jira golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana meelmariyey 14 dal, halka Maraykanku uu ka aamusay, taasi oo fududaysay in qaraarkani dhaqan-galo.

Waa markii sideedaad ee golaha ammaanku isku dayo inuu qaraar xabbad-joojineed ka soo saaro dagaalka Qaza, hase ahaatee intooda badan wuu ku guul-daraystay.