Xudeyfi oo xil sare looga magacaabay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdixakiin Maxamed Yuusuf ayaa u magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada JFS Cabdiraxmaan Maxamed Xasan (Xudeyfi).

Cabdiraxmaan Xudeyfi waa weriye weyn oo caan ka ah Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, waxaana lagu tiriyaa saxafiyiintii ugu horeysay ee burburkii kadib.

Dadka la soo shaqeeyey waxay ku tilmaameen nin muxtarim ah oo ku xeel-dheer inuu ku shaqeeyo xirfadiisa saxaafadda.

Xilka loo magacaabay Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa horay u heyn jiray Cabdikariin Cali Kaar oo isna ahaa weriye hore, sidoo kalena ahaa nin aftahan ah oo shaqadiisa ku haboon.

Ma jirto cid bixisay xogta sababta ka dambeysa in xilka laga qaado Cabdikariin Cali Kaar, balse galabta ayaa laga war helay magacaabidda Cabdiraxmaan Xudeyfi.

Xisaab ahaan kursigaan oo markii hore jiray dhanka beesha Murusade ayaa hadda u wareegay dhanka beesha Abgaal oo labada saxafadi ee la isku bedelay ay ka soo kala jeedaan.

Magacaabidda Xudeyfi ayaa ku soo aaday xilli uu xukuumadda heysto culeys uga imaanaya warbaahinta, kadib markii dhawaan la soo dhisay Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, golahaas waxaa ka hor timid saxaafadda madaxa-banaan oo ka cabaneysa in aan laga tala gelin soo xulidda 9-ka xubnood ee golahaasi uu ka kooban yahay.

Dhinaca kale, magacaabidda Xudeyfi waxay ku soo aadeysaa iyadoo warbaahinta ay ku adagtahay oo laga xakameeyey inay hesho wararka madaxtooyada, kuwaas oo loo soo diro warbaahinta ama laga war-helo war xasaasi ah bogga Villa Somalia ku jira.

Waxaa lagu hanweyn yahay in Weriye hore Xudeyfi oo hadda laga dhigay afhayeenka madaxtooyada uu xaliyo caqabadaha taagan ee warbaahinta madaxa-banaan ay ka tirsaneyno madaxtooyada qaranka ama labada xafiis ee dalka ugu sareysa.