Dhageyso: Cumar Faroole oo qiray in ay weerareen musharax Cabdi Daahir

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa caawa ka hadlay rasaas ay ilaalada madaxweyne Faroole ku fureen gaari uu la socday musharraxa Cabdidaahir Maxamed Yuusuf oo ka mid ah musharrixiinta u taagan doorashada Puntland.

Taliyaha ciidanka madaxtooyada Garoowe, Cumar Cabdilaahi Faroole, oo la hadlay BBC-da ayaa qiray in ay weerar ku qaadeen baabuur uu la socday musharraxa balse, wuxuu intaas ku daray in laga shakiyay markii si xawaara loogu ka xeeyay.

Wuxuu ku tilmaamay rasaasta lagu furay “mid saaxibtimo” sida uu hadalka u dhigay.

Taliyihii wuxuu beeniyay in wax khasaaro ah ah oo ka soo gaartay rasaastaas lagu furay musharrax in aysan jirin “Waana been buu yiri hadalka musharrax Cabdidaahir oo hal habo ayaan ku lagu furay, arrinta malaha siyaasad kale ayaa laga lee yahay”

Cabdidaahir oo isna la weydiiyay bal sida ay wax u dhaceen wuxuu sheegay in si kas ah loo weeraray baabuurka uu la socday waxaana sidaas yeelay ayuu yiri wiil uu adeer u yahay Faroole, wuxuuna tilmaamay in baabuurkiisa magaalada laga yaqaano oo madaxtooyada uu maalin dhaweyd markii ay la kulmeen Faroole uu la tagay.

Si kastaba, wuxuu sheegay in afar sarkaal oo ka tirsan Puntland in ay u yimaadeen kuwaasoo ka raali galiyay wixii dhacay, balse wuxuu ku celceliyay in la soo caddeeyo sababta gaarigiisa loo weeraray.

cumar_faroole_221213

Arrintan ayaa caawa waxaa kulan degdeg ah ka yeeshay musharrixiinta isku soo taagay xilka madaxweynaha Puntland, kuwaasoo ku shiray magaalada Garoowel.

Kulankooda waxa ay diirada ku saarayaan musharrixiinta dhacdadii maanta dhacday iyo khilaafka weli ka dhex taagan ayaga iyo madaxweyne Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@libe.com