FAAH-FAAHIN:Heshiis la dhex dhigay Beelaha Habar-gidir iyo Biyamaal

Afgooye (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in lagu guuleestay in la kala qaado maleeshiyo beeleed dhawaan ku dagaalamay deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabellaha Hoose.

Wafdi ka socda dowladda oo isugu jira xildhibaanno, iyo odayaal ka soo kala jeeda beelaha Habar-gidir iyo Biyamaal oo uu hoggaaminaayay sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gaashandhigga, Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta gaaray deeganka lagu dagaalamay.

Waxaana goobta ay ku soo bandhigeen heshiis ka kooban shan qoddobo oo lagu soo saxiixay magaalada Muqdisho.

Maxay kala yihiin shanta qoddobo ee heshiiska ku qoran?

1-In la joojiyo colaadda

2- In la kala qaado maleeshiyaadka daagalamay, lagu badelo ciidamo millitari iyo AMISOM

3-In dib u heshiisiin loo sameeyo labada beel ee dagaalamay

4-In labada dhinac ee dagaalamay la kala geeyo deegannada Carbiska iyo Ceeljaale, lana joojiyo dhammaa isbaarooyinka yaalla gobalka gaar ahaan deegannada ay maamusho dowladda.

5- Iyo in guddigga labada dhinac ee saxiixay heshiiskan ay la socdaan dhaqan galida qoddobada shanta ah.
Haddii aan sii bayaanino, meelaha lala geenayo labada ciidan.

Ciidanka Habar-Gidir waxaa la geenayaa deeganka Carbiska oo udhow gobalka Shabeellaha Hoose, halkaasoo xero looga dhisayaa.

Ciidanka Biiyamaal waxaa geenayaa deeganka Janaale oo u dhow magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Siidii.

Maxaa kaloo cusub?

Guddoomiyaha Gobalka Shabellaha Hoose, ayaa war sir ah u sheegay VOA-da kaasoo ah in beesha Biiyamaal ay codsatay ciidamada Millitariga in lagu badalo nabad sugid iyo boolis laakin arrintaas waa laga diidday ayuu yiri.

Guddoomiyaha waxaa kaloo uu sheegay in deeganka Lambar 50 ay ka dhacday wax aad u fool xun, markii la gubay guryo badan.

“Tiro sax ma hayno laakin waxaa naloo sheegay ilaa 50 qof in ay dhinteen 70 kalena ay dhaawacmeen, waxaa kaloo jirta guryo badan oo la gubay, saakay markii aan tagnay deeganka waxaan aragnay guryo gubanaya” ayuu yiri Goddoomiye Siidii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com