Mid ka mid ah musharrixiinta PUNTLAD oo ka badbaad isku day dil oo uu soo abaabulay C/raxmaan Faroole

Garoowe (Caasimada Online) Cabdidaahir Maxamed Yuusuf,oo ka mid ah musharixiinta u taagan doorashada madaxtinimada maamulka Puntland ayaa sheegay goordhow in uu ka badbaaday isku dil oo laga soo abaabulaha xarunta madaxtooyada Garoowe sida uu yiri.

Isagoo la hadlaayay VOA-da ayuu sheegay baabuur uu la socday ay rasaaseeyeen ciidamo ka tirsan madaxtooyada Puntland “Waana naqaanaa ayuu yiri magacyadooda”

Wuxuu sheegay oo kale musharraxan in rasaas lagu furay baabuurkiisa ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah dadkii la socday.

Wuxuu sheegay oo kale baabuurkiisa in la joojiyay dabadeedna rasaas lala dhacay oo muraayadihii xittaa ay wax yeelo soo gaartay sida uu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in arrintan aysan waxbo u dhimmi doonin hankiisa ah in uu ka qaybgalo doorashada madaxtinimada maamulka Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha Janaayo sannadka dambe.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay wax yer uun markii musharrixiinta Puntland ay maanta ku kulmeen Garoowe iyagoona baaq u diray isimada si ay u soo dhex galaan khilaafka ka aloosan iyaga iyo madaxweynaha maamulka Puntland.

Dhawaan ayaa hey’adda xasaradaha adduunka ee ICG waxa ay sheegtay in doorashada Puntland haddii xal loo helin ay sababi karto in beelaha ay is hubeeyaan.

Maamulka Puntland kama hadlin hadalkan ka soo baxay musharrax Cabdi Daahir ee ku aadan weerarka lagu qaaday in laha soo abaabulaha xafiiska Faroole.

Caasimada Online

Xafiisak Wararka Garoowe

Caasimada@live.com