Maamulka G/Banaadir oo amaro culus ka soo saaray dhulalka la isku heesto

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah soo saaray awaamir culus oo ku aadan is qabqabsiga dhinaca dhulka oo ka taagan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir, Maxamed Yuusuf oo saxaafadda u akhriyay wareegto ka soo baxday xafiisak guddoomiyaha gobalka Banaadir, ayaa sheegay in ay soo bateen is qabqabsiga dhinaca dhulka magaalada maalmahan dambe.

Wuxuu sheegay in dadka iska leh goofaha oo ay ku caddaato in ay been sheegeen ama sharciyeesta labo jeer dhul aysan lahayn in la ganaaxi doono hal sanno oo xarig ah iyo 10,kun oo dollar.

Wuxuu kaloo sheegay afhayeenka maamulka gobalka Banaadir, in Joomitir lihii ama farsama yaqaankii dib u naqshaqeeya dhul la bixiyay 1980-kii ilaa 1990-kii in la ganaaxi doono muddo lix bilood oo xarig ah.

Afhayeenka ayaa amray waaxda dhul bixinta ee dowladda hoose in ay ku dhaqmaan awaamiirta ka baxday maanta xafiiska guddoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Axmed Nuur Tarsan.

Si kastaba, waxaa dad badan ay isweydiinayaan sharcigan waxaa lahaa maxkamadda gobalka Banaadir maxaa keenay in uu ku dhawaaqo maamulka gobalka.

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya is qabqabsiga dhinaca dhulka waana kiisaska ugu badan oo ay qabtaan maxkamaddaha dalka.

Ma cadda wax uu ka bedeli doono awaamiirtan ka soo baxday maamulka gobalka Babaanir is qabqabsiga dhinaca dhulka ee ka taagan caasimada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com