Weriye Kismaayo oo caawa xabsi jiifa

Kismaayo (Caasimada Online) Wariyaal ku sugan Kismaayo ayaa caawa Shabakadda Caasimada Online u sheegay wariye Aadan Maxemed Salaad “Aadan Kismaayo” inuu caawa ku jirro xabsi gacanta uu ku hayomaamulka Axmed Madoobe.

Wariyaha ayaa la sheegay galabta in laga soo xiray xaafad ku taalla magaalada Kismaayo, kaddib markii ciidamada maamulka KMG ah Jubba joojiyeen dabadeedna ay xasbiga u taxaabeen.

Wariye Aadan Kisamayo ayaa la shaqeeyay Taleefishanka dowladda Soomaaliya SNTV iyo Radio Kismaayo oo ay dowladda lee dahay.

Wariye Aadan Kismaayo ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo. Lama oga sababta ka dambeysa xariggiisa.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka KMG ah ee Kismaayo oo ku aadan xarigga wariyaha.

Ururka suxufiyiinta garabka Pakistan ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo wariyaha xiran.

Caasimada Oline

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com