Daqaatiirtii ajnabiga ahaa oo maanta isaga baxay dalka Somalia + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Axad ka ambabaxay labo Takhtar oo u dhashay dalka Syria kuwaasoo la socday seddax takhtar kale oo Arbcadii horre lagu dilay deeganka KM15 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Labadan takhtar ayaa xaflad sagootin loo qabtay in aysan dalka ka dhoofin, waxaana ay sheegen in ay aad uga xun yihiin wixii qabsaday saaxibadood oo hal dad ay ka soo wada jeedaan.

Agaasimaha Isbitaalka Fiqi, Dr, Cabdiraxmaan Macalin Fiqi oo isbitaalkiisa ay ka shaqeenaayeen takhaatiirta reer Syria ee la xasuuqay ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dilka loo geestay, wuxuuna codsaday in dadkii dilay caddaalada la hor keeno.

laba

Wuxuu sheegay Soomaaliya in ay sharraf dhac ku tahay takhaatiir loo keenay in ay badbaadiyaan in ay laayaan lagana ordo.

Dr. Maahir oo ahaa takhtarkii ku dhaawmay weerarka lahgu laayay takhaatiirta arbbacaduiii horre ayaa dowladda ka codsaday in la hor keeno kuwii laayay saaxibadiis, wuxuuna sheegay in ay ka niyad jabeen Soomaaliya in ay ka howlgalaan sida uu yiri.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay arday ay wax bari jireen takhaatiirta la dilay iyo kuwa maanta daka isaga baxay, waxaana ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin dilka loo geestay seddaxda takhtar kuwaasoo ay ku tilmaameen in ay nafsadooda u hureen Soomaaliya.

Ardayda wax ka barta Jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho, oo wata Boorar ay ku sawiranyihiin takhaatiirtii la xasuuqay oo qaarkood Macalimiin ka ahaa Jaamacadaha Muqdisho, ayaa iyagana banaan bax ka dhigay garoonka diyaaradah Muqdish, waxaana in dhahooda laga arkaayay murago

Si kastaba, dhammaan tajhaatiirtii Syria ee dalka joogay ayaa isaga baxa, waxaana ay sheegeen in ay saameen ku yeelatay falkii lagu dilay seddax takhtar mid kalena lagu dhaawacay.

Meydka seddaxda takhtar ee lagu dilay Soomaaliya, ayaa maalintii Jimcaha la saaray diyaarad khaas ah oo geeneysa dalkooda hooyo.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay meelaha khatarta badan adduunka, waxaa ka howgalla maleeshiyaad cidna ka amar qaadan iyo kuwa xiriir la leh Al-Qaacida.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com