Maxaa maanta ka socda GAALKACYO?

Gaalkacyo-(Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in howgallo ballaaran oo ay sameenayaan ciidamada ammaanka ay ka socdaan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Dadka ku dhaqan Waqooyoga magaalada Gaalkacyo ayaa saakay ku waabariistay ciidamo fara badan oo magaalada lagu soo daadiyay.

Howgalka saakay ka socda magaalada Gaalkacyo ayaa ka dambeeyay weerar habeenkii xaley lagu qaaday bar control oo ay joogeen ciidamada maamulka Puntland.

Inta la ogyahay labo askari ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo loo adeegsaday bambo nooca gacanta laga tuuro.

Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha iyo maamulka waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Howgalka ayaa la sheegay in uusan wax saameen ah ku yeelan isku socodka dadka iyo gaadidka magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com