XOG: Sirta ansixinta R/W CABDI WELI iyo qiimahii kaga baxay Villa SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay oo Axad ahayd fadhi uu ku yeeshay magaalada Muqdisho, wuxuu codka kalsoonida ku siiyay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Cabdiweli Sheekh Axmed.

Fadhigga oo ay ka soo qayb galeen 243-mudane, waxaa ra’iisul wasaaraha codka siiyay 238-mudane, labo ayaa diidday saddex kalena waa ay ka aamuseen.

Ansixinta Cabdi Weli, ayaa timid kadib dadaal xooggan oo isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay wadeen tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay.

Ka hor inta aan la ansixin Cabdi Weli, ayaa madaxweynaha iyo asagaba waxa ay la kulmeen dhammaan xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya, oo codadkooda ay ku gateen lacag iyo balan qaadyo kale, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Qaar ka mid ah xildhibaanada, ayaa midkiiba waxaa la siiyey min 20 kun oo dollar, halka qaar kalena ay qaateen lacag intaas ka yar.

Sidoo kale, xildhibaanada qaar ayaa loo sameeyey ballanqaadyo shaqsiyeed sida in xil looga magacaabayo golaha wasiirada, halka kuwa kalena loo sheegay in beelahooda xil la siin doono.

Tani waxa ay imaneysaa ayada oo madaxweynaha Somalia uu horey 11 milyan oo dollar oo dowladda Qadar ay bixisay uu u adeegsaday xil ka qaadistii lagu sameeyey ra’iisul wasaarihii hore, Saacid.

Marka uu jiro khilaaaf madaxweyne iyo ra’iisul wasaare iyo xiliga ansixinta ra’iisul wasaare cusub, ayaa ah waqtiyada ay ugu jecel yihiin xildhibaanada, oo ay lacago badan ku dhuftaan, ayada oo waqtigaasna ay xildhibaanada ugu yeeraan “Xilliga isku-dhuuqa Baarlamanka”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com