Odayaasha Hawiye: Colaadda Somalia waxaa ugu wacan hal arrin oo ah…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka Iyo Midnimada Beelaha Hawiye, ayaa ku tilmaamay nidaamka federaalka mid sii hurinaya colaadaha ka aloolsan Gobalada qaar ee dalka Soomaaliya.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo la hadlay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in nidaamka federaalka uu yahay mid sandule ah oo Soomaaliya dibada looga keenay.

Wuxuu sheegay in nidaamkaan uusan Soomaaliya xal u aheyn dana aysan ugu jirin sida uu warka udhigay siihurinta dhibaatada mooye marnaba Soomaaliya aysan ku dheefsan doonin.

Xaad ayaa ku nuux-nuuxsaday in dalalka shisheeye uu ka yimid nidaamkaan ay dhibaato badan kasoo mareen hirgelintiisa, sidaasi awgeedna Soomaaliya xilligan uusan ka dhaqangeli karin federaalka.

Talo ahaan ayuu sheegay inay wanaagsan tahay in gabi ahaanba Soomaaliya laga daayo nidaamkaan, laakiin wuxuu isweydiiyay in hadalkiisa Soomaaliya looga deyn karo nidaamkaan, maadaama Dastuurka dalka u yaalo uu ku qoran yahay nidaamka Federaalka ah.

Colaadaha ka taagan Gobalada qaar ee dalka ayuu ku qeexay salkooda hoose inay tahay nidaamka federaalka, maadaama qolo waliba ay doonayaan inay maamul federaal ah sameystaan, taasina ay keenayso si fudud in la isugu dhaco.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda waxa ay ku dadaasha dhaqangelinta nidaamka federaalka oo Dowladda Soomaaliya ay ku dhisan tahay, iyadoo Madaxda dalka xilliga ay hadlayaan ay ku cel-celiyaan in si wanaagsan loo dhaqangelinayo nidaamka federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com