Maxaa sababa in shahwada xawo laga waayo, sideese loo daaweeyaa?

“Azoospermia” waa xaaladda caafimaad ahaan loo yaqaanno markii la waayo wax unugyo xawo “Sperms” lagu arki waayo shahwada markii la tiranayo.

“Aspermia” waa xaaladda aysanba jirin wax unugyo sperm.

“Oligospermia” waa xaaladda ay yaryihiin unugyada shahwada laakiin ay jiraan.

Xaaladdaada waxaan dhihi karnaa “Azoospermia” anagoo ku dhisayna baaritaanka lagugu sameeyay, Waxayne xaaladdaan keentaa madhalaysnimo, badankeedne waa xaalad la daaweyn karo.

Xaaladdaan waxay ku dhacdaa 1% kaga dhacdaa ragga waxayna u dhigantaa 20% cudurrada keeno madhalaysnimada.

Sabab:

Xaaladda “Azoospermia” waxaa loo kala qeybiyaa 3 qeyb iyadoo loo fiirinayo waxa keeno:

1- Cillad ka horreyso xaniinyaha:

dhibaatadu waa xagga hormoonnada hawlgaliya xaniinyaha in ay soo saaraan unugyada shahwada, hormoonnadaas oo yaraan karo ama la weyn karo markaasne unugyadu ma samaysmayaan.

2- Cillada ka timaado xaniinyaha:

dhibaatadu waa xagga xaniinyaha oo jirrada oo baaba’a ama hawlgabaan, waa dhibaatada ugu badan ee keento cudurkaan.
Waxaa laga yaabaa in xaniinyaha ay maqanyihiin ama ay si aan caadi ahayn u samaysan yihiin oo qofku ku dhashay ama in cudur ku dhacay uu saan ka dhigay.

3- Cillad ka dambeyso xaniinyaha:

dhibaatadau waa meeshii ay soo mari lahaayeen unugyadii shahwada ayaa xiran laakiin waa la sameeyay oo hormoonno way jiraan, xaniinyahiina way shaqeynayaan.

Baaritaan:

Waxaa xaaladdaan la ogaadaa markii qofka la baaro isagoo ka cabanayo madhalaysnimo iyadoo shahwada la falaanqeeyo.
Laakiin tan kaliya waxba ma tarayso haddii bukaanka aan warbixin buuxdo laga qaadin lana wiisiteyn maxaa yeelay waxaa loo baahanyahay waxyaabo badan oo lagu ogaanayo waxa keenay cilladaan.

Waxyaabaha la rabo in takhtarku ogaado waxaa ka mid ah:

1- In horray qalliin u soo maray bukaanka (qalliin kaadimareenka, kaadiheysta, xaniinyaha, qnajirka borostaytka)
2- Warbixin ku saabsan xagga galmada sida kacsiga, himada, biyo baxa iyo wixii la xiriiro.
3- In horay uu u qaatay daawooyin ama wax kiimiko ah uu la kulmay maadaama ay keeni karaan dhibaatadaan.
4- Heerka hormoonnada LH, FSH, iyo TESTOSTERONE la ogaado in ay caadi yihiin.
5- In baaritaan buuxa lagu sameeyo xaniinyaha iyadoo laga fiirinayo waxyaabo badan.

Daaweyn:

Cilladu haddii ay tahay mid ka baxsan xaniinyaha oo ah midda 1-aad iyo 3-aad waa la xallin karaa badanaa laakiin midda ka dhalata xaniinyaha badanaa way raagtaa.

Daawaduna waxay ku xirantahay haddii hormoonnada ay yaryihiin ama ay maqanyihiin in badalkooda lagu siiyo haddii ay shahwadu xannibantahayne in marin loo sameeyo oo qalliin laguug sameeyo.

Talo:
La xiriir takhtar “Urologist” isagaa kaa caawin doono arrintaan baaritaannada aad u baahantahayne kuu diri doono inshallah.

 

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.

SomaliDoc.com