Madaxweynaha Jabuuti & RW Spain oo ka hadlay arrimaha Somalia

Djabuti (Caasimada Online) Magaalada Jabtii waxaa maanta oo Axad ah gaaray ra’iisal wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy waxaana uu booqday saldhigga ciidamada badda Spain kuwaasoo qayb ah howgalka Midowga Yurub ee la dagaalamaya burcad-badeeda Soomaalida.

Ra’iisal wasaaraha Spain, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda Jabuuti oo uu hor kacayay madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle iyo raysal wasaaraha Spain ayaa kulan qaatay, waxaana ay ka hadleen arrimo badan oo ay ku jirto xaaladda Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Spain ayaa madaxweynaha Jabuuti ku ammaanay doorka uu ka qaatay horrumarka iyo nabadeenta dalka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa sidoo kale ballan qaaday in Jabuuti ay ka gacan siin doonaan siddii biyaha loo sifeen lahaa iyadoo loo adeegsanaayo qaab casri ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa intaas kaddib wuxuu booqday saldhigga ay deggan yihiin ciidamada Spain ee ka tirsan howgalka Midowga Yuurub ee ka dhanka ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Spain ayaa ka mid ah waddamada ay ciidamada ka joogaan dalka Jabuuti kuwaasoo ka qayb qaadanaya dagaalka lagula jirro burcad badeeda Soomaalida.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Djabuti

Caasimada@live.com