Ayada oo canug yar ah ayaa kabo la eg loo waayey (Sheeko cajiib badan)

Beijing (Caasimada Online) – Wargeys ka soo baxa dalka Shiinaha ayaa daabacay warbixin ku saabsan in gabar yar oo dalkaasi ku nool loo waayay kabo.

Waa gabar yaroo saddax jir ah, nasiib daro waxaa cagaha uga dhacay cudur dhakhaatiirtii u waayeen dawo, cagihina ka dhigay kuwo qaab daran oo aanay kabihii gali Karin, sida lagu sheegay warbixinta.

Gabadha oo lagu magaacabo YUYU waxay ku nooshahay magaalada CHIEN ee shiinaha, waalidkeed ayaa aad uga wel welsan cagacadaanteeda oo laga yaabo inay ku dhaliso cuqdad nafsi maadaama asaageed kabo ilan yihiin.

Wargeyska wuxuu sheegay in gabadhani sideeda kale ay tahay mid aad u faraxsan, isla markaasina bashaash ah.

Caasimada Online
Xafiiska Beijing
Caasimada@live.com