Ganacsade kale oo Soomaali ah oo si xun loogu dhaawacay K/Afrika

Johannesburg (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaas lagu dhaawacay ganacsade Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee Koofur Afrika Cabdiraxmaan Raabi ayaa u sheegay Shabakabadda Caasimada Online in magaalada Johansberg lagu dhaawacay ganacsade lagu magacaabo Cali Mirre.

Cali ayaa la sheegay in ay toogteen burcad hubeysan kuwaasoo labo xabadood kaga dhuftay madaxa xilli uu ku sugnaa dukaankiisa oo ku yaalla tuulo duleedka kaga beegan magaalada Johannesburg, sidaas waxaa noo sheegay Cabdiraxmaan Raabi.

Ganacsadahan ayaa dhaawiciisa loo qaaday Isbitaal ku yaalla magaalada, oo hadda lagu daweynaayo, mana jirto cid loo qabtay dhaawiciisa.

Ma ahan markii ugu horreysay oo la soo wariyo ganacsade lagu dhaawacay dalka Koonfur Afrika, waana taxano weerar ah oo lagu hayo Soomaalida ku ganacsada dalkaas.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, waxaana ay u badan ganacsade, kuwaasoo goobo ganacsi ku leh goobo ka fog magaalooyinka, halkaas ayaana lagu ugaarsadaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com