Dhageyso: Dabageed oo war kasoo saaray kursiga la sheegay inuu rabo Fahad

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa si adag u beeniyay in xiriir uu ka dhaxeeyo ciidamada dhawaan ay Dowladda Federaalka gaysay Magaalada Beledweyne iyo safarka la filayo in uu magaaladaasi ku taggo Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), oo hadda ah la-taliyaha Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Fahad Yaasiin ayaa la fahamsan yahay inuu xusul-duub ugu jiro kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP086, kaas oo hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, sidoo kalena ah musharax mar kale u taagan tartanka doorashada ee kursigaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka HirShabelle ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee la geeyay Beledweyne ay Fahad Yaasiin u boobayaan kursigaasi.

“Horta kursi shakhsiyad oo Beledweyne yaala ma jiree, 25-ka kursi ee taala kursi walba qabiilaa iska leh, 101 qof oo qabiilkaasi ah ayaana dooranaya. Kursi kasta oo kuraastaasi ka mid ah intaas oo qof ayaa ku tartamaysa, qofkii Ilaahay xagiisa uga qoran oo Ilaahay u calfo, qabiilkaasuna doorta ayaa madax noqonaya,” ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka HirShabelle.

Yuusuf Dabageed oo VOA la hadlay ayaa yiri “Kurisga uu Fahad wax ka leeyahayna, kuraastaas ayuu ka mid yahay, ee kursi gaar ah uu Fahad leeyahay ma jiro, haddii qabiilkiisu doortana Fahad Xildhibaan ayuu noqonayaa, hadduu qabiilkiisa cid kale doortana dadka la dooran waayo ayuu ka mid noqonaa.”

Waxa uu intaasi ku daray “Dad dan gaar ah leh oo dowladnimada Somaliya inuu cambaareeyo keliya ay shaqadiisu tahay ama xil ku raadinaya waaye waxa waxaas sheegaaya.”

Kursiga #HOP086 ayaa ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee sida dhow isha loogu hayo.

Hoos ka dhageyso wareysiga Yuusuf Dabageed