Xog: Doorashada kursi uu Farmaajo u rabo gabar ay qaraabo yihiin oo la hakiyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa goordhoweyd shaaciyay inay hakiyeen doorashada kursiga tirsgiiisu yahay HOP#053, kaasi oo doorashadiisa la qaban lahaa maalinta berri ah.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in Guddiga doorashooyinka oo la tashi la sameeyay Guddiga heer federaal uu go’aansaday in dib loo dhigo doorashada kursigaas, kaasi oo aysan weli soo dhameystirmin habraacyadiisa.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiyey xildhibaan Faarax Cabdi Xasan, balse waxaa doorashada laga dhigay kursi ay u tartami karaan kaliya haween, taasi oo la sheegay inuu ka dambeeyo madaxweyne Farmaajo oo u raba gabar ay qaraabo yihiin.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa hore ugu diiwaan-geliyay kursigaas musharaxiin gaaraya 7 haween ah, oo kasoo jeeda jufada Reer Dalal ee Mareexaan, kuwaas lagu kala magacaabo.

1. Reysal Qorane Abshir
2. Xaajiyo Axmed Gaas
3. Farxiyo Abdulahi Shiiqdoon
4. Ubax Abdi Ali
5. Zamzam Xasan Diiriye
6-Fahmo Caabi Guureeye
7- Hani Cabdi Gaas

Sida ay ogaatay Caasimada Online, doorashada ayaa la hakiyey kadib markii la isku qabtay cidda u tartameysa kursigan, ayada oo la sheegay inuu faro-gelin xooggan ku sameeyey Farmaajo.

Farmaajo ayaa doonaya in kursiga loo xiro kaliya Reysal Qorane Abshir, oo ay qaraabo hoose yihiin, lagana saaro gabdhaha kaliya.

Si kastaba, arrintan ayaa waxaa kasoo horjeestay odayga iyo saxiixaha kursiga oo lagu magacaabo Jaamac Shire, kaasi oo doonaya in kursiga loo wada tartamo.

Guddiga doorashada Galmudug oo cadaadis kala kulmaya Farmaajo, islamarkaana ka cabsi qaba ceebta ka dhalan karta oday Jaamac oo ku hanjabay inuu shir jaraa’id qabanayo ayaa go’aansaday in doorashada kursiga dib loo dhigo.

Ma aha markii u horeysay ee Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug uu hakiyo kursi, islamarkaana uu dib uga dhigo jadwal doorasheedkiisa uu hore u soo saaray.

Guddiga ayaa sidoo kale 2-dii bishan u hakiyay doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP#071, kaasi oo uu ku fadhiyey xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan Habargidir.