XOG: Imisa ergo doorasho ayaa lagu dilay qaraxii shalay ka dhacay MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegeen saraakiisha amniga 6 qof oo kamid ah ergada doorashada Xildhibaanada Gobolada Woqooyi ayaa lagu dilay qaraxii Shalay lala beegsaday gaari bas ah oo ay saarnaayeen.

Weerarka ayaa dhacay xilli ergadu kasoo laabatay codaynta doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee gobolada waqooyi, wuxuuna weerarku ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar-Jajab .

Sarkaal katirsan dowladda oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in tirada la xaqiijiyay ee dhimashada ergadu ay tahay lix qof halka 12 kale oo shacab u badnaa ay ku dhaawacmeen.

“Waxa aanu saarnayn baskii isgoyska marayey, waxa aan arkayey qof baska u sii ordaya iyo booliiska oo ku qaylinaya ‘istaag’ oo qoriga ku taagaya. Kadibna waxaan maqalnay laba xabbadood iyo qarax,” Saado Cabdillaahi, oo ka mid ah ergada ayaa  u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Is-miidaaye ka tirsan xarakada uu fuliyay qaraxaas, bartilmaamedkiisana uu ahaa afar Bas oo siday Ergo kasoo baxday xarunta Jeneraal Kaahiye oo ay maanta ka dhaceysay doorashada xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi.

Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay khasaaraha ay sheegatay Al-Shabaab inay gaarsiisay ergada iyo ciidamadii la socday, maadama ay wararka qaar sheegayan in ergada qaraxaas lala beegsaday ay ka badbaadeen.

Dhanka kale, Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo goor sii horeysay ka warbixiyey qaraxaan ayaa sheegay in waxyeelo xoogan kasoo gaartay dad shacab ah oo xilligaas ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Waa weerarkii ugu horreeyay oo ay Al-shabaab la beegsato ergada doorashada, waxayna sheegtay in ay bilowday beegsiga ergooyinka cusub ee doorashada.