Al-Shabaab oo meel u dhow MUQDISHO ku toogtay ABUUKAR ISAAQ CIISE

Jowhar (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla deegaanka Gamboole ee hoos taga degmada Jowhar ku toogtay nin la sheegay in uu ahaa askari ka tirsan ciidamada Dowladda.

Askariga la toogtay oo lagu magacaabi jiray Abuukar Isaaq Ciise oo 24 jir ah ayaa Al-Shabaab kal hore gacanta ku dhigeen xilli ay weerar kusoo qaadeen fariimaha ciidamada Dowladda.

Goobta ay toogashada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa qaar kamid ah dadka degaanka Gamboole oo kooxda Al-Shabaab ay ku qasabtay inay usoo daawasho tagaan toogashadaan.

Kooxda Al-Shabaab ma aysan sheegin halka laga soo qabtay Askarigaan iyo xilliga la qabtay, balse wuxuu qaadi ka mid ah Al-Shabaab sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Dowladda sidaasna loogu xukumay dil toogasho.

Dhowr jeer oo hore ayaa Al-Shabaab fagaarayaal kuyaalla degaannada ay maamulaan waxaa ay ku toogteen rag iyo Dumar ay ku eedeeyeen inay sirdoon u ahaayeen Dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa muddo ka badan 15 Sano waxay dagaal kula jiraan kooxda Al-Shabaab welina lagama adkaan, waxayna gacanta ku heysaa deegaan muhiim ah oo ku yaalo Soomaaliya.