Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf oo ka mid ah xildhibaanada Maamulka Jubbaland kana mid ahaa labadii xildhibaan ee laga musaafuriyay magaalada Kismaayo, ayaa ka hadlay qorshaha u degsan maadaama weli uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka oo wareysi siiyay idaacadda Dalsan eek u taalla Muqdisho, ayaa sheegay in Xildhibaanada Jubbaland ay jiraan mudo laba sano ah islamarkaana aysan jirin wax ay ay u qabteen bulshada reer Jubbaland.
Waxa uu sheegay in sababaha ugu weyn ee looga hor istaagay in uu ka hadlo dhaliilaha Jubbaland ay tahay in uu doonayay in uu soo bandhigo dhibaatooyinka iyo waxqabad la’aanta ka jirta Jubbaland.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dastuurka Jubbaland aysan jirin meel ay kaga taalo in xildhibaankii ka horyimaada madaxda Jubbaland in la sheego in lagala laabto kalsoonida.
Ugu dabeen waxa uu sheegay in uu maxkamada Sare ee dalka uu u gudbiyay Dacwad ka dhan ah madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) islamarkaana uu jawaab ka sugayo.
Hoos ka dhageyso wareysiga xildhibaanka
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

