28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Dhageyso: Dadkii diyaarada Daalo qarxiyay oo xukun lagu riday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada ciidamada qalabka ayaa xukuno kala duwan ku riday ku dhawaad 13 ruux oo ku eedeysnaa iney ku lug lahaayeen weerarkii qaraxa ahaa ee lala eegtay diyaarada Daallo Airline oo ka duushay magaalada Muqdisho 2 Bishii Febraayo.

Dadka ku eedeysnaa qaraxii diyaarada Daallo oo ay kamid ahaayeen C/Welli Maxamuud Macow oo kamid ahaa saraakiisha dhanka amaanka ee garoonka diyaaradaha iyo xubno kale.

Xasan Cali Nuur Shuuti gudoomiyaha maxkamada maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka ayaa ku dhawaaqay xukunta dadka ku eedeysnaa iney ka dambeeyeen qaraxa ka dhacay diyaarada Daallo.

C/Welli Maxamuud Macow oo kamid ahaa ruuxa Labtopka ku wareejiyay Borle oo isqarxiyay ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa’in.

Hoos ka dhageyso xukunka

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/05/Maxkamada-Ciidamada-Qalbka-Sida-oo-Xun-ku-riday-dadki-qarax-diyarada-daalo..mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News