Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu doonaayo in howlaha doorashada dalka uu u gacan galsho Ethiopia.
Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu warqad u qoray Xafiiska QM ee xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Xalane, taa oo uu ku dalbanaayay in Amaanka iyo maamulka goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan lagu wareejiyo diblumaasiyiinta iyo Saraakiisha ethiopia ka jooga Somalia.
Qoraalka ayaa la sheegay in dalabkiisa uu sabab uga dhigay in Ethiopia ay ka bixi karto islamarkaana ay garab lixaad leh u tahay Somalia, sidaa aawgeedna uu filaayo in laga aqbalo codsigiisa.
Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale, QM ka dalbaday in howlaha aan kor kusoo xusnay lagala tashto madaxda iyo saraakiisha Ethiopia u joogta Somalia, waxa uuna Xassan shaki galiyay isku filnaanta Dowlada Somalia.
Xassan Sheekh ayaa Dowlada Ethiopia mashruucaani cusub u saxiixay 18-4-2016 xili uu ku sugnaa magaalada Addis ababa, iyadoo heshiiskaasi uu la saxiixday misna u ballanqaaday Ra’isul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn.
Lama sheegin in QM ay codsiga Xassan Sheekh ka bixisay Jawaab iyo inkale, balse waxaa lasoo warinayaa in Madaxweyne Xassan iminka uu yahay Jawaab suge inkastoo QM qudheeda ay dooneyso in looga danbeeyo howlaha noocaani ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

