27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo kulamada Villa Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulamadii ugu danbeeyay ee shalay ilaa xalay ka socday madaxtooyada Somalia.

Kulamadaani oo looga doodaayay 2 arrin oo kala ah Maqaamka Gobolka Banaadir iyo Habka doorasho, ayaa waxa uu gaaray heer ay madaxda Dowlada iyo kuwa Gobolada dalka ku kala boodaan, waxa uuna muranku yahay mid ka taagan qodobka Gobolka bacdamaa arrimaha doorashada xal loo helay.

Saacadihii ugu danbeeyay kulamadii socday waxa ay ahaayen kuwo intooda badan lagu qancinaayay Jubbaland iyo Puntland, waxaana gar wadeen ka ahaa Beesha Caalamka.

Kulan gaar ah oo ay wada qaaten wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia iyo Xassan Sheekh, ayaa waxaa ay wakiiladu ku ballanqaaden in la meelmarin doono maqaamka Gobolka.

Wajiga labaad shirka ee maanta furmi doona ayaa waxaa suuragal ah in lagu dhawaaqo in Gobolka uu kamid noqonaayo aqalka sare, balse la xadidi doono, sida laga soo xigtay mas’uul howshaani faraha kula jira.

Mas’uulkaani waxa uu sheegay in wali ay jiraan kala fogaansho yar, waxa uuna tilmaamay in mar waliba ay suuragal noqon karto in wakhti dheeri ah lagu daro mudada shirka uu soconaayo.

Xaligaani waxaa Villa Somalia ka socda kulan khuseeya wajiga labaad ee shirka, waxa ayna Beesha Caalamka iyo Villa Somalia ku dadaalayaan in maanta lasoo afjaro howshaani, haddii lagama maarmaan ay noqotana Madaxda lasiiyo fursad hal maalin oo dheeri ah.

Qodobka Maqaamka Gobolka Banaadir ayaa ah mid xasarad ka dhaliyay Madaxtooyada iyo Hogaamiyayaasha Gobolada, waxa uuna qodobkaasi noqon doonaa kan ugu danbeeya oo labada dhinac ay ka doodaan.

Geesta kale, waxaa lagu wadaa in maanta abaaro 3:30 galabnimo xiliga Africa shirkaasi lasoo afjaro ama la shaaciyo in wakhti dheeri ah lagu dari doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News