Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa wali ku jahwareersan dib usoo dhicinta maqaamka sare ee Gobolka Banaadir.
Wararku waxa ay sheegayaan in hirgalinta maqaamka Muqdisho uu gaaray heer uu hal hal ula kulmo Madaxweynayaasha maamulada dalka si ay u ogolaadaan in Gobolka Banaadir xubno laga siiyo Aqalka sare ee dalka.
Madaxweynaha ayaa waxaa lagu soo waramayaa in hirgalinta maqaamka Gobolka Banaadir aawgii uu u sameeyay ballanqaadyo dhowr ah, hayeeshee Madaxweynayaasha Goboladda gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland ay ka biya diideen.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa marka loo eego C/wali Gaas ka degan, waxa uuna ku doodayaa in marnaba uusan hor istaagi doonin masiirka Umadda Soomaaliyeed, waxa uuna taasi badalkeeda dalbanayaa in loo keeno wax uu ku qanco, halka C/wali Gaas uu ka taagan yahay diidmo aan ganbasho laheyn.
Madaxweynaha Somalia oo markiisii hore ka dhaga adeegay talooyinka Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Hawiye ee ku aadan Maqaamka Gobolka Banaadir ayaa iminka wada dadaalo uu xal ugu raadinaayo qodobka kala fogeeyay DFS iyo Maamulada dalka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xassan weli waxa uu wadaa kulamada waxa uuna hal ku dhig ka dhiganayaa in guul uu kusoo dhamaan doono shirarka xuquuqda loogu raadinaayo Gobolka Banaadir.
Si dhab ah looma saadaalin karo waxa kasoo bixi doona shirka la filaayo in maanta oo Isniid ah kusoo idlaado magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

