26.1 C
Mogadishu
Thursday, December 11, 2025

Masjidka Isbaheysiga ee Muqdisho oo laga bad baadiyey musiibo culus

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Afaayeenka xuukumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji CWali ayaa wuxuu  sheegay in habeenkii ciida gacanta lagu soo dhigay kooxo kala duwan oo maleegayay sida uu sheegay falal amni daro ah  , kuwaas oo Tiro haan gaarayay ilaa 20 Qof

Ragan ayuu sheegay inay doonayeen falal Amni Xumo ah  ay ka geystaan Maasjidka Isbahaysiga islaamka ee magaalada Muqdisho halkaasi oo maalitii ciida ay ku Tukadeen madaxa ugu sareesa dowlada Soomaaliya iyo Boqolaal qof oo rayid ah

Ridwaan Xaaji Cwali,  oo ka warbixinayay kulankii golaha Wasiirada ee ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay inay Ansixiyeen heshiis dhex maray Wasaarada gaashaan dhiga Soomaaliya iyo Talyaaniga

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Golaha Wasiirada ay maanta ka hadleen sidii loo sii deen lahaa Maxaabiis fara badan oo ku xiran qaar ka mid ah wadamada caalamka

Golaha ee xukuumada Soomaaliya ayaa Totobaadkiiba mar waxaa ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho kulankaa oo looga hadlo xaalada dalka uu ku sugan yahay.

Kulankii Maanta waxaa shir gudoominaayay ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cfaarax Shirdoon Saacid.

Halkaan hoose ka dhageyso Afhayeenka Xukuumada Somalia

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdi Weli sax

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News