Kismaayo – Waxaa maanta shir saacado badan qaatay wada galay Axmed Madoobe hogaamiyaha maamulka Juba iyo Cumar Abdirashiid Ali Sharmarke kuwaasi oo kawada hadlayey howlaha dhameyrtirka maamulka Juba iyo go’aan ka qaadashada shirka Muqdisho.
Qodobka ugu muhiimsan shirka ayaa waxaa uu ahaa sidii go’aan looga qaadan lahaa cidii mas’uulka ka noqon laheyd howsha soo xulista baarlamaanka maamulka Juba, iyaddoona ugu danbeyntii la isku raacay in Cumar Abdirashiid loo magacaabo mas’ulka arrintaasi qaabilsan.
Guddomiyaha gudiga nabadeynta Juba Iimaan Rashiid Gure oo maanta ka qeybgalay kulankaasi ayaa waxaa uu sharaxaad ka bixiyey sababta Axmed Madoobe ugu magacaabay Cumar Abdirashiid xilkaasi soo xulista baarlamaanka.
” Axmed Madoobe iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr, Cumar Abdirashiid Ali Sharmarke waxay kawada hadleen maanta sidii loo soo dhameystiri lahaa amaanka Kismaayo iyo waliba sidii Cumar Abdirashiid u noqon lahaa mas’uulka baarlamaanka cusub ee Juba u qaabilsan” ayuu yiri Iimaan Rashiid Gure.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in kulanka maanta looga dooday tirada baarlamaanka Juba uu noqonayo iyo sida beelaha loogu qeybinayo, balse la iskuma raacin tiro go’an taasi oo ka dhigeysa in aan warbaahinta laga shaacin karin tirada saxda ah.
” Waa jirtay in tirooyin dhowr ah la soo bandhigay balse la iskuma raacin taasi oo anan hadda ka hor dhici karin. ” ayuu yiri Iimaan Rashiid Gure.
Amaanka Kismaayo ayaa uu sheegay in la xoojin doono sidaasina kulanka loogu soo qaaday ka hadalka amaanka, maadaaba buu yiri ay bari imaanayaan Kismaayo wafdiyo ka socda UN, EU iyo AU kuwaasi oo u imaanaya isku soo dhaweynta dowlada Soomaaliya iyo maamulka Juba oo baryahan khilaaf uu ku dhex jiray.
” Barri waxaan imaanaya Kismaayo wafdi ka socda UN, EU iyo AU sababtoo ah waxay doonayaan inay madaxda Juba kala hadlaan xalinta khilaafka kala dhexeeya dowlada Soomaaliya” ayuu yiri Iimaan Rashiid Gure.
Wafdi kale oo uu hogaamin lahaa siyaasiga Abdiqaadir Luga-dheere kaasi oo ah guddoomiyaha xirirka Jubooyinka kaasi oo dib u dhac uu ku yimid, waxaana uu sheegay marka uu Lugadheere yimaado inay dhici karto madaxda dowlada oo timaada Kismaayo ama gudiyaal la is dhaafsado.
‘ Lugadheere waxaa nalagu war geliyey inuu baaqday balse uu dib ka imaan doono. Waxaana uu hogaaminayaa wafdi ballaaran oo reer Jubooyinka ah’
Lama yaqaan sababta uu Axmed Madoobe ugu magacaabay mas’uulka soo xulista baarlamaanka Dr, Cumar Abdirashiid, iyaddoo ay taasi lafteeda shaki weyn ay ka muujiyeen siyaasiyiin kasoo jeeda Jubooyinka oo awalba shaki ka qabay maamulka Juba.
Dr, Cumar Abdirashiid oo ah musharax madaxweyne oo Puntland ah ayaa hadda noqonaya hadda nin soo xulaya baarlamaanka Juba. Waana mida dhalineysaa mugdi ku xeeran sida loo kala saari karo Puntland iyo Juba.
Halkan ka dhageyso Wareysiga
Xigasho: kismaayo24.net

