Sheeko qosol leh oo ka taagan Marka

Marko (Caasimada online) Gudoomiyaha Magaalada Marka , Maxamed Cusmaan Cali Yariisoow, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wax adeeg Caafimaad ah uusan ka jirin , Cusbitalka Magaalada Marko ee Xarunta Shabeelaha Hoose.

Yariisoow, ayaa sheegay in Guud Ahaan Cusbitaalka aysan ka jirin wax adeeg Caafimaad ah Bukuunada Magaalada iyo qofkii waxyeelo ay soo gaartana loo soo qaado Cusbitaalada Magaalada Muqdisho.

Arintan wuxuu sheegay inuu u gudbiyay Guud ahaan Madaxda dalka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo dhamaan dhinacyada ay arintan quseyso Sida waaxda Caafimaadka ee Wasaarada Adeega Bulshada Xukuumada Somalia.

Afar Bilood ka hor ayuu sheegay inay arintan Soo bilaabatay, intaasina uu ka hadlayay balse isaga qaab qabiil lagu rixayo , sida uu shaaca ka qaaday hayeeshee wuxuu sheegay in isaga runta uun uu abaarayo taasina ay tahay waxa lagu dhibsanayo sida sheegay.

Agaasimaha Qalabka iyo Daweynta Waaxda Caafimaadka ee Wasaarada Adeega Bulshada Xukuumada Somalia Dr. C/risaaq Yuusud Axmed, ayaa sheegay inay Xaqiiq tahay arintan uu ka dhawaajiyay  Gudoomiyaha Magaalada Marka, hayeeshee Amni Xumo ay uga soo carareen Shaqalihii Cusbitaalka.

Wuxuu sheegay in Wasaarada Adeega eee Xukuumada Somalia inay ka war heyso Dawo la’aanta iyo dacdarada ka jirta Cusbitaalka Magaalada Marko hayeeshee qorshihii ay arintaas ay wax uga qaban lahaayeen ay ku guda jiraan .

Shalay ayay aheyd markii ruux ku dhawacmay Magaalada Marko Dhaawaciisa Xilli Muqdisho loola soo cararayay uu wada ku geeriyooday, Waxaana Gudoomiyaha Magaalada Marka  uu ku Tilmaamay in wadadaas Bur Burka ka taagan ay iyaduna tahay dhawaac labaad.

Halkaan ka dhageyso Codka Gudoomiyaha Sh/Hoose

Gudoomiyaha Marka Maxamed Cismaan Cali Yariisow Xogta

Halkaan Hoose ka Dhageyso  Codka DR C/risaal Yuusuf

Dr. Cabdi Rasaaq Yusud Axmed

Caasimada online

Xafiiska Marko

Caasimada@live.com