31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Norway oo laga aqoonsaday mid kamid ah raggii weeraray West Gate + Sawir

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Oslo (Caasimada Online) – Nin Booliiska dalka Norway ay u baarayeen weerarkii West Gate, ayaa la aqoonsaday waxaana magaciisa la yiraahdaa Xasan Cabdi Dhuxulow, waxaa sidaas ku warrantay BBC Newsnight.

23 jirkaasi asal ahaan kasoo jeeda dalka Somalia, ayaa la tuhunsan yahay inuu caawimaad ka geystay qorsheynta iyo fulinta weerarkii West Gate.

BBC Newnight ayaa la hadashay mid ka mid ah ehellada ninkaas oo ka tagay magaalada Larvik sanaddii 2009, isaga oo dib ugu laabtay Somalia.

west gate weerareToddobaadkii tagay, ayaa sirdoonka Norway ee PST waxa ay sheegeen inay saraakiil u direen Kenya si loo xaqiijiyo warbixino ku saabsan in muwaadin Norwegian ah uu ku lahaa weerarkaasi dhacay 21-kii September.

Ma cadda tirada kooxda weerarka qaaday, hase yeeshee kaamirooyinka waxa ay muujiyeen 4.

Xasan Cabdi Dhuxlow, ayaa waxa uu ka mid ahaa afartaas, sida ilo wareedyo ku sugan Kenya iyo Norway ay shaaca ka qaadeen.

Xasan ayaa ku dhashay Somalia, waxaase uu tagay Norway sanaddii 1999-kii, markii qoyskiisa ay halkaasi u muhaajireen.

Caasimada Online
Xafiiska Oslo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News