Dhageyso: DF: Puntland iyo Somaliland lagama baari karo shidaal aynan ogeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir looga hadli lahaa shidaalka oo lagu wadey in horaanta bishaan uu ka dhaco London ayaa dowladda Soomaaliya ay ka baaqatay, sidoo kale guddiga batroolka iyo macdanta ee baarlamaanka ayaa kulan la yeeshay Wasiirka batroolka iyo macdanta ee dowladda federalka Soomaaliya.

Arrimahan ayaa waxay dhacayaan iyadoo la sheegayo in meelo badan oo Soomaliya ka mid ah ay shirkado bilaabeen in ay baaritaano hor dhac ah ka sameeyaan.

Wariyaha BBC ee Nairobi Yusuf Xasan ayaa waxa uu ka waraystay Daa’uud Maxamed Cumar oo ah Wasiirka batroolka iyo macdanta ee Soomaaliya arimahan.

Shirkadaha doonaya inay shidaal ka qodaan maamulada qaarkood sida Puntland iyo Somaliland, ayuu ku hadlay, Wuxuuna sheegay inaysan dhici karin in shidaal ay shirakadi kasoo saarto Soomaaliya taasi oo aan soo marin dawladda Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso wasiirka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com