Xiisaad dagaal oo taagan iyo beel aad uga carrootay dilkii YUUSUF INDHO…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Deegaanada Tixsiile iyo Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaaya in ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Ciidamada Dowladda Somaliya dhexdooda.

Ciidamada Dowladda, ayaa waxay qaarkood ka caroodeen dilkii dooraad Deegaanka Tixsiile loogu geystay Yuusuf  Indhoole, oo horey u soo noqday Gudoomiyaha Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Yuusuf Indhoole waxaa lagu eedeeyay in uu ka fallaagoobay Dowladda Soomaaliya, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya sida la sheegay uu amar ku bixiyay in la dilo Yuusuf Cali Indhoole.

Ciidamadda Dowladda ee ka soo jeeda Beesha Warsangeli ee Abgaal, ayaa ka carooday tallaabada lagu dilay Yuusuf Indhoole, waxayna xaalad kacsanaan leh ay ka wadaan inta u dhaxeyso Tixsiile iyo Warmaxan.

Wariye ku sugan Degmada Afgooye, ayaa soo sheegaaya in dadka ku dhaqan Tixsiile iyo Warmaxan, ay markale ka baqdin qabaan in ay ku dul dagaalamaan Ciidanka Dowladda.

Warar madax banaan, ayaa sheegaaya in Odayaal Dhaqameedyo ka amba baxay Magaalada Muqdisho, ay ku baxeen sidii loo qaboojin lahaa xaalada cakiran ee ka taagan Deegaanadaasi.

Madaxda Dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada midna kama hadlin tallaabadii lagu dilay Yuusuf Indhoole, marka laga reebo Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Ibraahim Shaamow, oo xaqiijiyay shalay geerida Yuusuf Indhoole.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com