Dhageyso: Xoosh Jabriil: Xasan Sheikh wuxuu dalka ka doortay Damul-Jadiid, waana ka qaadeynaa xilka dhowaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo horey usoo noqdey wasiirkii dastuurka dowladda KMG ahaayd ee Soomaaliya xilligaana ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka dowladda Soomaaliya ayaa ka deyriyey xaaladda uu dalku waqtigan ku sugan-yahay,waxuuna madaxweynaha Soomaaliya ku eedeyey dhammaanba arrimaha ka taagan dalka.

Xildhibaan Xoosh waxaa uu ka mid yahay xildhibaannada iyo siyaasiyinta Soomaaliyed ee ka soo horjeeda hab-siyaasadedka uu madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ku maamullayo dalka.

“Siyaasada qalafsan ee hadda ka taagan dalka, waa mid mas’uuliyadeda uu leeyahay madaxweynaha Soomaaliya, dalku xilligan xaaladdisu ma wanagsana waxaana eeda iska leh madaxweynaha” ayuu yiri xildhibaan Xoosh.

Waxaa uu sheegay Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil in dalka ay ka maqantahay wadiniyada ayna wax ka socon la’yihiin dowladda hadda ka jirta ee dalka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil waxuu sheegay in xildhibaannadu ay doorten madaxweynaha Soomaaliya ee xilligan kaaso ah Xassan Sheekh balse waxaa uu sheegay in ay muuqanaysa dalka maamulkiisa inay xisbi la wareegen.

Xoosh oo qirtey inuu ka mid yahay xildhibaannada doonaya inay madaxweynaha xilka ka qaadan, waxuu sheegay inay dalka la doonayan hormar iyo halka uu taagan-yahay in laga qaado taasna uu ku fashilmey madaxweynaha hadda ee Xasan Sheekh.

Waxuu sheegay in xilligaan ay wadan mooshin ka dhan ah madaxweynaha iyagoo doonaya inay keenan ruux dhaamma madaxweynaha hadda ee Xasan Sheekh oo u ku eedeyey inuu ka soo bixi waayey waajibadkiisa.

Halkan ka dhageyso Xoosh Jabriil

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa la kulmaya xilligan culeys siyaasaded, kaddib markii xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka iyo siyaasiyin Soomaaliyed ay ugu baaqen inuu is-casilo maadaama ay sheegen inuu ka soo bixi waayey shaqadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com