Fadeexad la xiriirta fiisooyin la iibiyey oo ku soo baxday madax ka tirsan DF

Geneva (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen wargeysyo ka soo baxa dalal ka tirsan Yurub & Afrika, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya waddanka Switzerland Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Baribari) ayaa lagu eedeeyey inuu lug weyn ku lee yahay arrimo la xiriira fiisooyin la kala iibsaday, waxaana eedeeynta Yuusuf lagu xusay in fiisooyin loogu talogalay in ay dalkaasi ku yimaadaan Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya qaab aan sharci aheyn looga iibsaday shaqsiyaad caadi ah, oo markii ay waddankaasi soo galeenna kaga sii gudbay dalal kale oo Yurub ka tirsan.

YUUSUF BARI-BARI
YUUSUF BARI-BARI

Warbixinta ay qoreen Wargeysyada waxaa lagu xusay in dadka la soo tahriibiyey in fiisooyinka laga siistay lacag dhan ($15,000) middiiba, waxaana dowladda waddankaasi ay ka codsatay dowladda Soomaaliya in arrimahaasi ay baaritaan ku sameyso, haddii lagu caddeeyo safiirka inuu ku lug lee yahayna laga qaado xasaanada, si loo maxkamadeeyo.

Waxaa kaloo lagu xusay warbixinadda in dowladda Switzerland ay u diiday dal ku gal Wasiirada Wasaaradaha Shaqadda & Ganacsiga oo shir ka dhacaya Geneva {29 bisha May ilaa 12-ka bisha June} lagu waday in ay ka qeybgalaan, sababaha loogu diidayna ay la xiriirto in la musuq-maasuqo fiisooyinkaas.

Xubin ka tirsan Wasaaradda shaqadda oo ka hadlayey eedeynta loo jeediyey Baribari waxa uu yiri: “Haddii dowladdu ay shirkaasi kaga qeybgeli weyso musuq-maasuq lagu eedeynayo Yuusuf baribari waa fadeexad, wasaaradda arrimaha dibedda-na waa in ay arrintaasi sida ugu dhaqsiyaha badan baaritaan ugu sameysaa”.

Marka la soo hadal qaado arrinta ku saabsan kala iibsashada fiisooyinka waxaa xusid mudan in Yuusuf Baribari oo keliya aanu aheyn safiirada lagu eedeeyo iibsashada fiisooyinka. Horay waxaa u jiray safiiro dowladda Soomaaliya metelaya oo si aan qarsoodi aheyn uga lugu yeeshay ka ganacsiga fiisooyinka, iyadoo ay jireen warbixinno horay ay UN-ka uga soo saartay qaar ka mid ah safiiradaas.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com