Dhageyso: Maleeshiyo Majeerteen iyo Dhulbahante oo ka gadooday Kismayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Xili xaalada magaalada Kismaayo ay sii xumaanayso ayaa waxaa iminka soo baxaya in ciidaamo badan oo ka tirsan Beesha Kablalax ay isaga baxeen magaalada Kismaayo.

Ciidankan ayaa waxa ay ku sugan yihiin Duleedka magaalada Kismaayo iyaga oo xusay in ay ka soo baxeen xadgudub ay sheegeen in Maleeshiyada Raaskambooni ay ka wadaan Kismaayo.

Col. Cabdiqani Ibraahim oo kamid ah saraakiisha hoggaaminaysa Ciidanka ayaa sheegay in qorshaha magaalada ay uga baxeen uu yimid kadib markii ay arkeen in maleeshiyaadka Axmed Madoobe oo ah qabiil iyo urur kaliya in ay xadgudub ku wadaan Beelihii ku haray Kismaayo.

Waxa uu sheegay in dad badan oo aan waxba galabsan lagu laayey magaalada.

Masuulkan ayaa sheegay in magaalada duleedkeeda ay ku sugan yihiin, isaga oo xusay in Barre Hiiraale uu mar hore fahmay waxa meesha ka jira kana aragti dheer yahay iyaga, isaga oo dhanka kale sheegay in aysan wax wada shaqeyn ah la lahayn balse ay ka midaysan yihiin mowqifka in cadowga Kismaayo laga kiciyo, sida uu sheegay.

Ciidankan ayaa u badna beelaha Muqaabil, Majeerteen, Bartire iyo Dhulbahante. Beelaha Kablalax ayaa ahaa kuwii si wada jir ah u qabsaday Kismaayo, waxaase hadda muuqata in ay iyagii isku dhaceen

DHAGAYSO Cabdiqani Ibrahim oo hogaaminaya ciidanka ka baxay Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com